Qaybta 1aad: Cadaalad darada ka jirta DDS, Degmada Awbare, Degmadii la ilaabay!
Tirada Shacabka degmada Awbare waxay ka badan yihiin guud ahaan tirada shacabka ku nool gobolka Qoraxey |Tirokoobkii Ethiopia 2007|
Tirada shacabka degmada Awbare qiyaastii waxay u dhigmaan isku darka shacabka ku nool degmooyinka Godey, Qabridahar iyo Dhagaxbuur |Tirokoobkii Ethiopia 2007|
Isku darka tirada shacabka gobalada Nogob iyo Erar qiyaastii waxay u dhigmaan tirada shacabka degmada Awbare | Tirokoobkii Ethiopia 2007|
Qormadan waxaa tixraac (reference) u ah tirakoobkii ugu dambeeyay ee Ethiopia ka qabsoomay 2007 Kaas oo ahaa mid heer qaran ah,
Tirokoobkii ugu dambeeyay ee Ethiopia samayso wuxuu qabsoomay 16 sano ka hor 2007, tirokoobkaas kadib wax tirakoob rasmi ah oo la sameeyay ma jirin, Sida ku cad tirikoobkaasi degmada Awbare waxaa wakhtigaa ku noolaa dad lagu qiyaasay 339,056. Gobalka Qoraxey waxaa ku noolaa 312,199
halka isku darka degmooyinka Qabridahar, Godey, Dhagax-buur ku noolaayeen 360,962, isku darka sadexdaa degmo waxay degmada Awbare dheer yihiin qiyaastii 21,906 waana tiro aad u yar. Dabcan tirada dadka hadda way korodhay intaana way ka badan yihiin.
Tirakoobkii 2007 uu sameeyay Komishinka Tirokoobka Dadwaynaha ee Dowlada Federalka Ethiopia ( FEDERAL DEMOCRATIC REPUBLIC OF ETHIOPIA POPULATION CENSUS COMMISSION )
- Degmada Awbare waxaa ku noolaa 339,056
- Gobalka Qoraxey waxaa ku noolaa 312,199
- Degmada Qabridahar waxaa ku noolaa 136,025
- Degmada Godey 109,584
- Degmada Dhagaxbuur 115,353
- Gobolka Nogob oo maanta la gobol loo qaybiyay ku noolaayeen 347,769
Sida ku cad tirokoobkii 2007 iyo xog kale oo aan ka helnay kaydka dowlada xiligaasi gobalka Qoraxey waxaa ka tira shacab iyo dakhliba badnaa degmada Abware, xarunta gobalka Qoraxey oo ahayd degmada Qabridahar waxaa ku noolaa 136,025 waxaana tiro sadex jibaar ku dhow ka shacab badan degmada Awbare, maanta degmadii Qabridahar waxay dhashay ama ka farcamay 5 degmo iyo 1 maamul magaalo, waxayna kala yihiin:
- Degmada Boodaleey
- Degmada Goglo
- Degmada Ceel-Ogaadeen
- Degmada Marsin
- Degmada Laasdhankayre
- Ismaamul magaalada Qabridahar
Maanta shacabkii ku noolaa degmadii Qabridahar ee tiradoodu ahayd 136,025 waxay haystaan 1 maamul magaalo iyo 5 degmo kuwaasoo helay shaqo abuur, miisaaniyad, shaqaale badan, mashaariic horumarineed, adeeg bulsho iyo matalaada xilalka iyo faaiidooyin kale waxayna mid waliba la siman tahay degmada Awbare hadayn iyaguba ka badnayn, haddaba maxaa lagu saleeyay in Qabridahar sidan isku badasho halka Awbare ilaa iyo hada ay hal degmo oo qudha dhashay?

Degmadii Dhagaxbuur waxaa ka farcamay 4 degmo iyo hal maamul magaalo, arinka Dhagaxbuur waxaannu kaga hadli doona qormo kale oo aan kaga hadlayno cadaalada darada gobolka Jarar ka jirta.
Nidaamka u dagsan dalkeenan Ethiopia in degmo/gobol/maamul magaalo cusub la sameeyo waxaa aas aas u ah oo loo fiiriyaa baaxada dhulka, tirada shacabka iyo dakhliga ay soo xerayn karto, waana sida kaliya ee cadaaladu ku jirta shacabkuna ku qanci karaan, haddaba DDS mala raacaa shuraacdaas ama nidaamkaas maxaa keenay cadaalad darada inta dhan? Hadaan wax laga qabanse maxaa ka dhalan doona? Inta ogaalkey ah shacabka degmada Awbare aadbay u saluugsan yihiin nidaamka cadaalad darada iyo eexda ku dhisan ee ka jira DDS waxaana jira guux dad wayne oo mararka qaar sababa kacdoon shacab iyo in shacabka degmada Awbare mar kala duwan sameeyay mudaharaadyo ay ku lulayeen calanka ismaamulka Oromia iyagoo ku dhawaaqa in ay raacayaan maamulka Oromia si ay u helaan cadaalad iyo sinaan. Sideedaba cadaaladu wax bay qurxisaa waxayna adkaysaa midnimada iyo wadajirka shacabka. Hadii cadaalad la waayana waxay sababtaa kala taga iyo in ay wiiqanto wadajirkii ummada.

16 sano kadib maanta Dhagaxbuur, Qabridahar iyo Godey waa ismaamul magaalooyin waxayna ku talaabsadeen horumar baaxad leh waxaa laga dhisay jaamacado, kuliyaddo, xarumo caafiimaad, garoomo diyaaradeed, wadooyin laami ah oo si casri ah loo dhisay, waxaa intaa dheer in sadexdaa magaalo mid waliba caasimada deegaanka ee Jigjiga ay isku xidho jid laami ah iyadoo xusid mudan tahay magaalada ugu dhow caasimada deegaanka ee Jigjiga ay tahay Dhagaxbuur oo Jigjiga u jirta qiyaastii 165km halka Godey ay Jigjiga u jirto 550 km, Qabridahar-na Jigjiga u jirto 380 km. Awbare oo aad masaafo ahaan uga dhow Jigjiga sadexdadaa magaalo Jigjigana u jirto 70km ilaa hadda shacabku waxay ka cabanayaan wado xumo haday tahay wadada loo maro Jigjiga iyo wadooyinka dhex maraba magaalada Awbare,

Degmada Awbare waxay ka mid tahay degmooyinka ugu faca wayn deegaanka iyo guud ahaan dalka Ethiopia, 1935 dagaalkii labaad ee Ethiopia iyo Italy (Second Italo-Ethiopian War) kadib markii laga guulaystay ciidamadii boqor Haile Selassie ee ay Ethiopia ugacan gashay gumaystihii taliyaaniga, Awbare waxay ahayd marinkii uu sii maray Haile Salassie markii uu dalka ka baxayay isagaa halkaa 2 cisho joogay, ilaa iyo wakhtigaana waxaa la sheegaa in ay degmo ahayd. Maalintaas oo ku beegan 88 sano kahor iyo maanta wax is badal horumarineed ah oo ka jira ma jiro, waxaaba la odhan karaa waa sidii uu ku ogaa boqor Haile Salassie.

FG: Ulajeedka qormadeydu ma aha xaasidnimo aan xaasidayo ama nacayb iyo colaad toona oo aan u hayo sadexdaa magaalo ee iftiimin aan iftiiminayo cadaalad darada iyo nin jeclaysiga ka jirta deegaanka ee wiiqaysa midnimadii iyo wax wada lahaanshihii shacabka DDS.
La soco qaybta 2aad oo aan kaga hadli doono cadaalada darada ka jirta gobalka Jarar.
Abdikeni Mohammud