Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa laga yaabaa inuu u safro dalka Ruushka si uu kulan madaxeed ula yeesho madaxweyne Vladimir Putin, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah.
Saraakiisha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in Ruushku uu doonayo in uu ka soo iibsado Kuuriyada Waqooyi saanad milatari si uu u buuxiyo kaydkiisii hubka ee uu u adeegsaday dagaalka uu ka wado Ukraine. Taa baddalkeeda,
Dhanka kale khubaradu darsa arimaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ay u badan tahay inay KuuriyS Waqooyi rabto shixnad cunto iyo tamar ah iyo wareejinta tignoolajiyada casriga ah ee hubka.
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un oo aalaaba aanan la kulmin hogaamiyayaasha caalamka wuxuu kulanka uu Putin la qaadanayo noqonaya kii ugu horreeyay ee Kim uu la yeesho hoggaamiye ajnabi ah tan iyo markii Kuuriyada Waqooyi ay xirtay xudduudaheeda bishii January 2020. Halka bishii Abriil 2019 ay kulmeen madaxweynihii Mareykanka ee Donald Trump .
Ilo wareedyo ayaa u sheegay New York Times in Mr Kim ay u badan tahay inuu ku safro tareen nooca gaashaaman ah.
Kulanka suurtogalka ah ayaa yimid ka dib markii Aqalka Cad uu sheegay in uu hayo xog cusub oo ku saabsan in wada xaajoodyada hubka ee u dhexeeya labada dal “uu si firfircoon horumar u sameeynayo