Ilaalada xeebaha Mareykanka ayaa shaaciyay in la rumeysan yahay inay dhinteen dhammaan shantii qof ee saarnaa markabkii gujiska ahaa ee ay la socdeen dalxiisayaashii maalqabeenka ahaa oo maalmihii ugu dambeeyay la baadi goobayay.

“Anigoo ku hadlaya magaca Ilaalada Xeebaha Mareykanka iyo dhammaan taliska mideysan, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska,” ayuu yiri Admiral John Mauger.

Shirkadda OceanGate oo iska lahayd markabkii ay dalxiisayaasha saarnaayeen ayaa dhankooda bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen inay rumeysan yihiin in dhammaan shantii qof ee saarneyd ay dhinteen.

Markabkan ayaa la waayay Axaddii islamarkana waxaa tan iyo xilligaasi lagu jiray baadigoobkiisa.

Doontaas waxaa la waayey subaxnimadii Axadda, waxaanan qormadan ku eegeynaa wararkii ugu dambeeyey ee baadigoobka doonta iyo dadka saaran, sida iyo waxa ay ka samaysan tahay doonta, dadka saaran oo aan mid kasta si kooban u sharraxi doonno qofka uu yahay iyo rajada la qabo inta ay le’eg tahay.

Maxaan ka ognahay Titan?

Meel u jirta 400 oo mayl xeebaha Atlantigga ee dalka Canada ayaa waxaa galabnimadii Axadda ka billowday baadigoob loogu jiro aalad yar oo u samaysan sida doon qafilan (laakinse aan ugu yeeri doonno doon). Doontaas waxaa la yiraahdaa Titan, waxaana maamusha oo iska leh shirkad la yiraahdo Ocean Gate.

Doontaas waxaa loogu tala galay inay qaaddo dadka doonaya inay soo arkaan markabka caanka ah ee Titanic ee quusay 1912, kaasoo iminka yaalla meel joogga badda ka hooseysa 12,500 oo dhudhun.

Hore dad ayey doontaas u qaadday, dibna u soo celisay ayagoo bed qaba, laakin markan arrintu sidaa wey ka duwan tahay.

Aroornimadii axadda saacaddu markay ahayd 08:00 ayey doontaas ka daadegtay markab dusha sare ee biyaha u fadhiya (mother ship) kaasoo la socda dhaqdhaqaaqa doonta, xiriirka dadka saaran iyo dejinta iyo soo saaristaba.

Hase yeeshee waxaa isgaarsiinta doonta oo lagula xiriirayey farriin-qoraaleed oo kaliya ay go’day 09:45.

Kooxda saaran markabka dusha fadhiya waxay isku dayayeen tan iyo 5tii galabnimo in ay war ka helaan kooxda doonta saaran, laakinse markii war laga waayey ayaa la wargaliyey markii ugu horraysay maamulayaasha, ayadoo baadigoobkana uu si rasmi ah u billowday, kaasoo ilaa hadda socda.

Doonta sidee u samaysan tahay?

Doontan waxay ka samaysan tahay dhuun ama tuubo loogu tala galay in ay qaaddo dhowr qof muddo gaaban.

Dhererka Titan wuxuu le’eg yahay 6.7 mitir, ballaciisana waa 2.8 mitir, joogiisana waa 2.5 mitir sida laga soo xigtay shirkadda iska leh ee Ocean gate.

Matoorrada ku xiran oo ah afar matoor waxay siin karaan xawaare gaaraya 5.5 kiloomitir biyaha hoostooda saacadiiba, laakinse dusha sare uma soo saari karaan.

Wuxuu leeyahay hal badhan oo laga shido, waxaana laga hagaa oo isteerin u ah gacanka qalabka lagu cayaaro cayaaraha kombiyuutarka oo si macmal ah loogu rakibay. Shirkaddu waxay sheegtay in la fududeeyey wadidda doonta oo aysan u baahnayn dad khubaro ah inay kaxeeyaan.

Waxaa ku xiran nalalka loogu tala galay teendhooyinka lagu dalxiiso ee baadiyaha laga dhisto.

Yaa doonta Titan saaran?

Hamish Harding

Harding waa guddoomiyaha shirkadda Action aviation, waana maal qabeen Britain u dhashay. Shirkaddiisu waxay shirkadaha caalamiga ah, madaxda caalamka, iyo shaqsiyaadka caanka ah ee ku jira madadaalada iyo cayaaraha ka iibisaa dayaaradaha lagu raaxaysto.

Hore wuxuu u noqday, sida laga soo xigtay diiwaanka Guinness, qofkii ugu dhakhsiyaha badnaa ee sameeyey duullimaad lagu dul wareegay dunida, kaasoo isaga iyo koox la socotay ay ku sameeyeen 46 saacadood.

Wuxuu kaloo Bishii June u baxay safar uu soo abaabulay Jeff Besos oo isaga iyo dad kale ay u baxeen halka ugu dambaysa dahaarka dunida ku gedaaman ee hawada sare looga baxo.

Shahzada iyo wiilkiisa Suleman

Shahzada Dawood

Shahzada Dawood waa 48 jir guddoomiye ku xigeen ka ah shirkadda Dawood Hercules. Waa shirkad wax maalgalisa oo saldhigeedu yahay magaalada Karachi. Shirkadaas waxay ka mid tahay Dawood Group oo ah ganacsi ay qoys leeyihiin. Sidoo kale waa ninka leh dhaxalka qoyska sida laga soo xigtay wargayska New York Times.

Shahzada wuxu deggan yahay UK, wuxuuna la nool yahay xaaskiisa iyo laba carruur ah oo u dhalay. Wuxuu shahadada Master-ka ka haystaa jaamacadda Philadelphia. Wuxuu kaloo shahaado ka haystaa jaamacadda Buckingham University ee UK.

Suleman Dawood

Suleman waxaa dhalay Shahzada Dawood, waana wiil 19 jir ah sida laga soo xigtay warbaahinta UK. Waa nin jecel sayniska khayaaliga iyo cayaarta kubadda laliska.

Paul Henry

Paul-Henry Nargeolet

Wuxuu ku magac dheer yahay “Khabiirka Titanic” sida lagu qoray barta shirkadda Ocean Gate. Wuxuu horkacayey 6 goor oo socdaal lagu aaday markabka Titanic ee badda hoosteeda fadhiya.

Wuxuu kaloo agaasime ka yahay shirkad Ameerikaan ah oo cilmi baarista badda hoosteeda ah samaysa oo la yiraahdo RMS Titanic Inc, taasoo haysata xuquuqda wixii ka badbaaday markabka Titanic.

Stockton Rush

Stockton Rush

Waa madaxa shirkadda Ocean Gate, waana naakhuudaha wada doonta la la’ yahay. Markii uu 19 jir ahaa wuxuu noqday duuliyihii ugu da’da yaraa ee kaxeeya dayaarad xamuul.

Wuxuu noqday duuliye duuliya dayaaradda DC8. Wuxuu shahaadaha handasada ka qaatay jaamacadda Princeton 1984, shahaadada masterkana wuxuu 1989 ka qaatay Berkeley Haas School of Business.

Rajada la qabo

Waxaa aad u yar rajada laga qabo in shantaas qof la soo badbaadiyo ayadoo lagu jiro saacadihii u dambeeyey ee baadigoobka.

Waxayaabaha aadka looga baqayo waxaa ka mid ah in ogsijiinka uu ka dhamaado, taasna waxay keeni kartaa in muddo gaaban ay miyir doorsoomaan, ka dibna ay geeriyoodaan.

Culayska kale ee jira waa in aan la ogayn halka saxda ah ee ay ku sugan yihiin waayo baddu waxay leedahay moqjado gunta hose ka jira oo xoog leh.

Baaritaanka wuxuu diiradda saarayaa 10,000 oo dhudhun oo isku wareeg ah oo badweynta hoosteeda ah. Baarayaashu waxay sheegayaan inay maqlayaan sharqan aan la ogayn jihada ay ka imaanayso.

Arrinta kale ee xusidda mudan waa in aysan gunta badda tegi karin bani aadmi. Sababtu waxay tahay cadaadiska biyaha badda oo 300 oo goor ka xoog badan midka bani aadmigu yaqaanno, iyo qabowga oo ku dhow darajada ay biyuhu ku barafoobaan.

Xigasho: Bbcsomali

By Admin