Xasan Ali Khayre Heshiiska Dekadda Ber-bera waa Sharci Darro

Hassan Ali Khayre

Hassan Ali Khayre

 

Raisul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre ayaa oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey safarkii uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta.

Reysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali kheyre, oo maanta ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa heshiiskii ay shalay kala saxiixdeen Somaliland, DP World iyo Itoobiya ku tilmaamay mid sharci darro ah.

 

Dhanka kale Khayre ayaa sheegay in safarkii isaga iyo wafdigiisu ku tageen dalka Imaaraadka uu ku soo dhamaaday guul ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo amaanka.

“Waxyaabaha aan isla garanay waxaa ka mid ah sidii suuqyada Imaaraadka loogu furi lahaa xoolaha nool ee Soomaalida, maalgeshina ay ugu sameyn lahaayeen beeraha dalkeena si dhaqaalaha Somalia loo xoojiyo, shaqooyin badana loo abuuro” ayuu yiri RW khayre oo intaas ku daray in sidoo kale madaxda dalkaas ay isla garteen in la iska kaashaado dhinaca amaanka iyo sidii loo ciribtiri lahaa argagaxisada.

Raisul wasaaraha oo ka hadlayay heshiiskii lagu qeybsaday saamiga dekeda Berbera ee ay shalay ku kala saxiixeen magaalada Dubai shirkada DP World ee dalka Imaaraadka, Maamulka Somaliland iyo dowlada Itoobiya, wuxuuna heshiiskaas ku tilmaamay mid sharci daro ah.

“Waxaan rabaa inaan shacabkeena u cadeeyo, dowlada Soomaaliyeed qeyb kama ahan heshiiskaas lagalama hadlin, lugna kuma lahan arintaas haba yaraatee, sida aad ku aragteen War-saxaafadeedkii ay soo saartay Wasaaradda dekedaha” ayuu yiri raisul wasaaraha.

Khayre ayaa sheegay in heshiis walba oo ku saabsan khayraadka iyo dekedaha Somalia ay geli karto oo kaliya dowlada Soomaaliya waxaana ansixinaya Baarlamanka federaalka.

“Waxaan rabaa inaan hoosta ka xariiqo inaan soo dhoweynayno Shirkad walba oo dooneysa iney dalka maalgashi ku sameyso. Waayo kobcinta dhaqaalaha waa ahmiyada koowaad ee ay leedahay dowlada laakiin waa in loo soo maraa dariiqa sharciga ee waafaqsan dastuurka dalka, lagalana soo xiriiro heyadaha dastuuriga ah ee qaabilsanb” ayuu yiri raisul wasaaraha oo xusay in heshiiska dekeda Berbera uu lid ku yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *