Waa Maxay Midnimadu ? Faaiidooyinka Midnimada, Dhibaatooyinka laga dhexlo Midnimo la’aanta, Qalinkii Abdikeni Mohammud.

11d1f3e5383a088b86d28bfe25bd690f7e1ae283792e2f25ba41bbeab26ac080Waa Maxay Midnimadu ?
Midnimadu waa mideynta maskaxda,caqliga,cududa iyo maalka, waxayna ka dhalataa midnimadu
laba shaqsi ama koox isku timid oo isku mowqif ah, iskuna afgarata abuurista horumar dhan walba ah,


Midnimadu waa in ay  laba shaqi ama in ka badani isku afgaar iyo mabaadi ka noqdaan arimaha bulshadooda ama ummadooda, isla meel dhigaana ka midha dhalinta yool mid ah oo uu ugu horeeyo horumar.


Faaiidooyinka Midnimada :
Midnimadu waa xasiloonida kuwada noolaasho nabadgaliyo, badhaadhe iyo Barwaaqo ,
Midnimadu waa furaha Horumadka
Midnimadu waa awood ama quwad, hadaan sikale u dhigo midnimadu waa astaanta muujiso ummad waliba awoodeeda inta ay tahay,
Midnimadu waa dariiqa loo mara guusha.
Midnimadu waa quruxda, sharafta, wanaaga iyo Ixtiraamka bulsho walba,
Midnimadu waa xoogga ay ummadi ku difaacdaan karaamadooda iyo sharaftooda, kagana hortagaan khataraha cadow walba oo isku daya ama damca in ay wax u dhimaan jiritaankooda.

Ilbaxnimada iyo horumarka, waa midhaha ka dhasha midnimada, umad walibana heerka ay midnimadeedu gaadhsiisan tahay ayuu horumarkeeduna gaadhsiisan yahay, sidoo kale hadaynan midnimo jirin waxaa yaraanaya oo meesha ka baxaysa horumarkii, hadii aynan horumar jirina ilbaxnimo ma jirayso,

Sidaa darteed ummad waliba oo midaysani waxay guul ka gaadhaa nolasha mustaqbalka, hadaad aragtana ummad bilaa mustaqbal ah oo danbaysa waa ummad bilaa midnimo ah,

Dhibaatooyinka laga dhexlo Midnimo la’aanta:
Midnimo la’aantu waa Sharaf dhac, karaamo daro, halaag, baa’ba, musiibo, macaluul, gaajo, dar xumo, daranyo, barakac iyo dhimasho, Akhriste waxaa tusaale kuugu filan tobaneeyo sano kahor sidey ahaayeen wadamada Somalia, Afghanista iyo Ciraaq, sidoo kale sanooyin ka hor sidey ahaayeen wadamada, Libiya, Suriya iyo Yemen maantase say yihiin maxayse ka dhaxlayn midnimo la’aanta .

Maanta waxaad arkaysaa dadkeenii oo kala daadsan kana biyo diidsan tubtii horumarka loo marayay oo ah midnimo taas badalkeedna ku mashquulsan reer hebel yuusan ka magac waynaan iyo waxaan loo joogin,

Waa Suaale Midnimada maxaa inoo diiday, Maxaanse ku waynay Midnimada?

Waxaynu u muuqanaa in aynu nahay ummad diidan wixii danta u ahaa taasoo ah Midnimadii, waa iga sual kalee ma hada kahor baynu Midnimada wax ku waynay maxaa inoo diidan Midnimo ?

Midnimada ma dhibaataa innaga  soo gaadhayso mise  magac xumo iyo maamuus daro ayaanu ka dhaxlayna oo sidan aan hada nahay aya sharaf inoo ah  ?

Waxaase la yaab leh marar badan inaad aragto  ummad diidaysa dantoodii iyo maslaxadoodi  taas badalkeedii ku qanacsan kala qoqobnaanta iyo midnimo la’aanta dhexdooda ka jirta iyagoo iska indha tiraya in ay ku socdaan jiho ama jidkii ay ku halaagsami lahaayeen.

Midnimadu waxay wanaagsan tahay marka ay ummadi danta guud ka midaysan tahay hadiise ay qabiil qabiil ama Jifo Jifo isku kala saaran oo ay jufo waliba dhahda dantay gaarka ah wixii dhaafsiisan shaqo kuma lihi waxaa hubaal ah in la iskaga daba imaan doono dantaa gaarka Jufadaa qudheeduna usii kala bax bixi doonto shaqsi shaqsi.

Ogaada in ay midnimadu tahay difaac iyo gaashaan lagu ilaashado magaca, deegaanka, hantida iyo Jiritaanka ummadaada, hadaadse diido midnimadii ogowse in aad halis ugu jiro baaba iyo in lagu dhaco.

Midnimadu waataas maanta ay ku naaloonayaan wadamada reer galbeedku, nimcooyinka iyo naruuruhu ku nool ummadoodiina gaadhsiiyay horumar dhan walba ah.

Guntii iyo gabagabadii midnimadu waa sharaf iyo karaamo, waa magac iyo maamus, hadaynu midnimo lanimaad xaqeenii iyo xaquuqdeenii waan helaynaa hadii aanse la imaan wayno magac xumo iyo karaamo daro ayaynu ku jiraynaa waligeen, waxaynu joognaa wakhtigii aynu khilaaf walba oo dhexdaana yaala xalin lahayn una gudbi lahayn wax wada qabsi iyo midnimo.

Ogsoonow midnimadu waa quruxee.

 

Waxaa qoray:
Abdikeni Mohammud
Abdikenim@gmail.com
Stockholm,Sweden.

 

 

 

One comment on “Waa Maxay Midnimadu ? Faaiidooyinka Midnimada, Dhibaatooyinka laga dhexlo Midnimo la’aanta, Qalinkii Abdikeni Mohammud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *