Tuulada Ceel Axmaar iyo Sanadadii 1973.

Tuulada Ceel Axmaar iyo Sanadadii 1973.

‪#Ceel‬ Axmaar waa Tuulo ku taal waqooyiga Jigjiga waxayna udhaxaysa Magaalada Jigjiga iyo Magaalada Lafa Ciise.

Sanadadii 1973-dii Tuulada Ceel Axmaar wakhtiyadaasi waxay ahayd magaalo aad u camirnayd, ganacsiguna si xowli ah uga socdo, waxay ahayd meel dad badani ku nool yihiin, kuwaasoo qabiil walba leh, waxayna caan ku ahayd Rag gabayaa ahaa oo isku gabyi jiray, geesta kale tuuladani waxay ahayd tuulo ilbaxnimo iyo xadaaradi ka jirtay waxayna ahayd meel caan ku ahayd hadba wixii cusub ee soo gaadha deegaanka dhamaantii,

waa sidoo kale wakhtiyadaasi ceel axmaar ahayd meeshii ugu horaysay ee la keenay Cagaftan Beeraha lagu qodo iyo xaafaradan budada lagu ridqo. Allaha u naxariistee Haji AwMuhumed Dhibaayo oo ka mid ahaa Shaqsiyaadka Banka Diidawaaleed ugu magaca dheeraa kana mid ahaa tujaartii deegaanka ayuu ahaa Shaqsigii keenay walow ay mudo yar ka dib Jajabtay Cagaftii oo taasoo ay alaabteedii iniba tuulo taalay mana jirin Makaanig xirfad sare leh oo dib u kiciya cagaftaa xaajiga.

Maqaalkan waxaan uga dan lee yahay in aan kusoo bandhigo gabay yar oo ay isku tiriyeen wakhtigaa rag ka mid ahaa nimankii tuulada daganaa.

Nin gabyaa ahaa oo magac ku dhex lahaa deegaanka laguna magacaabi jiray Warsame ayaa u gabyay laba nin oo walaalo ahaa isla markaana ahaa dad ma shaqaystayaal ah, kana mid ahaa dadkii tuulada ku noolaa qudhooduna mid ka mid ahi ayaa gabyaa ahaa.

Gabaygii Warsame oo labadaa nin ee walaalaha ah ku dhiiri galinaya marna canaananaya oo leh kaca soo shaqaysta waa kan.

Labadiinan curraaf ee Ceel amxaar ku gaboobay
Duqdii waad caddibteene maad ka ciidan gashaan.

‪#‎walaalihii‬ mid ka mid ah ayaa u jawaabay oo yidhi,

Warsamoow lugtaadani bukta iyo baanis li´idaada
Bararkeeda uun baad aragtaaye baaba baa tahay
Sidii cagaftii awmuxummad baanad dhimanna nooleyna.

‪#Warsame‬ waa ninka gabyay hayb ahaana wuxuu kasoo jeedaa beelaha Jaarso gaar ahaan beesha Dawaro, Labada nin ee uu u gabyayna magacooga maan helin waxayse ka mid yihiin tuulada dadkii ku noolaa hayb ahaaana waa Gadabuursi.

Warsame in uu labadan nin ee walaalaha ah u gabyo waxaa keentay in ay labadan nini ahaayeen laba nin oo hooyadood oo waayeel ah aadna u jilicsanayd la noolaa kuwaasoo aanan shaqaysan, in ay wax taraan iska dhaafee dhib ku hayay hooyadood.

Gabayga inta ugu danbayso ee ah sidii cagaftii awmuxumed baanad dhimanna nooleynna wuxuu ula jeeday cagafta awmuxumed ayaa ahayd mid aan shaqayn oo qaraabsan qalabkeediina midba tuulo yaalo isagoo cagaftaa la masaaalayo ayuu dhahay sidii cagaftii awmuxumed ma noolid maadan dhimana nacam nolal iyo geeri baad u dhaxaysaa.

‪#‎Lifaaq‬: gabaygan aadka u yar iyo taariikhdan kooban waxaan uga danlee yahay in shaqsi walba uu soo qoro dhacdooyinkii deegaankeena soo maray,
wuxuun shaki ku jirin marxalad walba oo uu deegaanku soo maray in aynu ku lahayn doorkeeda oo aynu ku lahayn rag gabyaa ah, walow qaarkood ay gabayadaasi lumeen qaarna la hayo sidaa darteed waxaan ka codsan lahaa si aynu u ururino in qof walba qofkii u dhow ee uu kasoo qori karo inoo soo bandhigo si aynu uga faaiidaysano dhaxalna uga dhigano, intaa ka dib waxan u mahadnaqayaa Abwaan Yusuf Hasan gabaygan iyo gabayo kale oo aan wakhti kale idinla wadaago doono haduu rabbi idmo aan kasoo qoray.

W/qoray:
Abdikeni Mohammud SheikhAbdulahi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *