Tacsi: Suldaan Khaliif Suldaan Aw Ahmed AUN,

tacsiT A C S I

Inaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun

Ilaahow Ku Naxariiso,

Waxaan  Tacsi tiiraanyo leh u direynaa, dhammaan qoyskii uu ka geeriyoodey Suldaan Khaliif Suldaan Aw Ahmed, oo xalay  oo ay taariikhdu ahayd May 18.2013 ku geeriyoodey magaalada jigjiga,

Suldaan Khaliif Suldaan Aw Ahmed wuxuu ka mid ahaa Cuqaasha Beelwaynta Jaarso ee magaca ku dhex leh Beelaha Deegaanka, Allaha u Naxariisto Marxuumka,

Qoskii, Qaraabadii iyo Ehelkii uu ka geeriyoodey iyo Beelwaynta Jaarso meel kasta oo ay dunida ka joogaan samir iyo iimaan Allaha ka siiyo,

Waxaanu ilaahay uga baryeynaa inuu marxuumka Jannadiisa ka waraabiyo, suaashana u dhib yareeyo,
Aamiin, aamiin,aamiin.

Tacsidan waxaa si wada jir ah u diraya:
Gudoomiyaha Qurbajoogta Beelwaynta Jaarso Mudane Jamaal Ibraahim iyo Caaqilka Beelwaynta Jaarso ee Somaliland Caaqil Abiib Xasan Libaax.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *