Sweden Nin hubaysan oo Mindi ku weeraray Iskuul ku yaala meel udhow magaalada Goteborg.

151022101940_sweden_640x360_epa_nocreditNin ku hubeysan baangad ayaa weeraray iskuul ku yaalla magaalada Trollhattan oo u dhow magaalada Goteborg ee dalka Sweden.

Weerarka ayaa waxaa ku geriyooday hal macallin dhowr ardayna dhaawac ayaa kasoo gaaray, ayada oo iskuulkana ay ka kala carareen ardaydii iyo macalimiinta.

Ninka weerarka soo qaaday oo da’da labaatameyda lagu qiyaasay ayaa waxaa toogtay booliska, waxaana gaaray dhaawac helis ah.

Ardayda dhaawaca uu soo gaaray ayaa waxaa ku jira wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa ardayda iskuulkaasi wax ku baraneysay.

Ra’iisalwaasaaraha Sweden, Stephen Lofven, ayaa ka hadlay sida uu uga naxay, isagoo sheegay inay maanta maalin madow ay u tahay Sweden

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *