Muuqaal iyo Warbixin Horumarka Magaalada Jigjiga iyo Hiigsiga Jigjiga cusub.

Horumarka Jigjiga

Horumarka Jigjiga

Magaalada jigjiga ayaa ka mid noqotay magaalooyinka ugu balaadhashada iyo horumarka uga badani ka socda dhamaan magaalooyinka dalwaynaha Ethiopia.

Magaaladan Jigjiga ayaa tan iyo intii ay curaday Ethiopia-da cusubi ahayd Caasimada DDSI taasoo aan helin haba yaraatee wax horumar ah iyadoo ka mid ahayd caasimadaha dib u dhacsan marka loo fiiriyo caasimada kililada kale qaarkood,

Jigjiga ayaan sanadihii hore nasiib u helin in ay noqoto magaalo la tartami karta magaalooyinka dalka ismarkaana aan lagu tilmaami karayn in ay tahay caasimad la mid ah caasimadaha Kililada Ahmaarada, Tigrey, Oromia iyo Harar,

Maantase shalay way ka duwan tahay maalinba maalinta ka danbaysana jigjiga way sii koraysa wayna sii waynaaysaa farqi wayna wuu u dhaxeeya jigjigada maanta iyo jigjiga shalay.

Maamulka talada deegaanka haya ee uu gadhwadeenka u yahay madaxwayne Cabdi Mohammud Cumar ayaa magaalada jigjiga ka bilaabay dib u dhis iyo kobcin si loo gaadhsiiyo caasimadaha kililada kale,

Mudadii uu xilku hayay madaxwayne CMC wuxuu ku guulaystay in uu dhiso bilicda magaalada issagoo suurto galiyay in ay Jigjiga noqoto Caasimad lagu soo hirto taasoo mararka qaar lagu qabto shirar qaran, tartamo qaran, hirgalinta Hotelo caalami ah sida City Crown Hotel oo ah hotel 5 Star ah oo dhawaan laga furay Caasimada DDSI ee Jigjiga iyo waxyaalo fara badan oo aad ka dheehan kartaan muuqaalkan hoose.

Waxaa kale oo uu maamulka talada deegaanka haya soo kordhiyay fursado maalgashi  ka jira caasimada Jigjiga, xukuumaduna ku soo dhawaynso cidkasto oo maalgashi ku samaysaysa caasimada DDSI ee jigjiga.

Muuqaalkan Hoose Daawo si aad u wax badan uga ogaato hiigsiga Jigjiga cusub iyo fursadaha ganacsi ee ka jira Jigjiga.

 

Waxaa Diyaariyay:
Abdikeni Mohammud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *