Tacsi AUN Genaraal C/kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) oo Muqdisho lagu dilay

General Dhagabadan, Abaandulihii Hore Ciidamada Dowlada Federalka Somaliya.

General Dhagabadan, Abaandulihii Hore Ciidamada Dowlada Federalka Somaliya.

Innaa lilaahi Wa Innaa Ilaayhi Raajicuun,

إِنَّا للهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

Allaha Unaxariistee waxaa maanta 01 Nov 2015 magaalada Muqdisho  ku geeriyooday Abaandulihii hore ee ciidanka dowlada federalka Somaliya Marxuum Genaraal C/kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) Rabbi naxariistiisa Jano haka waraabiyee.

Anigo ku hadlaya magaca qoyskayaga Reer Mohammud Sheekh Cabdulaahi Warsame   waxaanu halkan tacsi tiiranyo leh uga diraynaa caruurtii iyo ehelkii uu ka geeriyoodey adeer  Genaraal C/kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) ,

Marxuum Genaraal C/kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) wuxuu ahaa shaqsi qiima badan oo wadanka somaliya wax badan usoo qabtay una soo halgamay, wuxuu dhisay ciidamadii dowlada, wuxuu ahaa geesigii ka danbeeyay in Alshabaab Muqdisho laga xoreeyo,

Dardaarankiisa Waxaa Kamid ahaa ”Ciidan Guul Ma Gaadho Haduusan Shacab Lahayn” AUN : General Cabdikariim Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”

Allow ku naxariiso oo qabrigana kuu nuuri hoygaagana ka dhig Jannatul-Farduus. 

Allahuma Aamiin.

إِنَّا للهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

Innaa lilaahi Wa Innaa Ilaayhi Raajicuun.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *