Kuwait oo Dil ku Xukuntay 7 Ruux

41D39AB8-85EA-4BA0-9972-9D7CB6258456_w640_r1_s_cx1_cy5_cw98Maxkamad ku taalla Kuwait, ayaa dil ku xukuntay Talaadadii, illaa iyo toddobo ruux oo loo heystey inay ka dambeeyeen weerarkii bishii June lagu qaaday masjid ay Shiicadu ku dukadaan oo ku yaalla magaalada Kuwait, halkaas  oo ay ku dhinteen 29 ruux ayna ku dhaawacmeen 227 kale.

Tiro 29 ruux gaareysa, ayaa maxkamad lasoo hor istaajiyay, kuwaas oo ku eedeysanaa dhammaantooda ku lug lahaanshiyaha weerarkii masjidka Imaam Saddiiq ee magaalada Kuwait, waxana maxkamaddu ay sidoo kale ku xukuntay siddeed ka mid ah dadkaasi  xabsi u dhaxeeeya laba illaa iyo 15 sano, halka 14 kalena lagu waayay wax dambi ah.

Dadka la xakumay, ayaa isugu jira Sacuudiyaan, Kuweytiyaan iyo Bakistaaniyiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *