Jinacsani : Daawo Sawirada 60 neef oo munaasabada Odxiyada darteed Jinacsani loogu qalay dadka masaakiinta ah.

14429539_10154011904882877_1838139916_nHay’ada Samafalka ah ee Marar Foundation oo kaashanaysa ururada kala ah sida : Ururka Gar-gaar ee ka dhisan UK, Ururka Sydney Muslim Sisters ee ka dhisan Australia iyo Ururka gabdhaha ee Midnimo ahna urur ka dhisan dalkaa Sweden iyo shaqsiyaad kale oo daafaha caalamka kala jooga  isaguu ururku kaashanaya ayaa buu Ururku wuxuu Deeq Odxiya ah oo ka kooban 60 neef oo xoolo ah ugu qashay magaalada jinacsani dadka masaakiinta ah ee ku nool,

odxiHowshan gowraca xoolaha odxiyada ayaa ahayd mid saansaanteeda laga dareemayay taasoo wajiyada dadka fuqarada ahi laga dheehanayay farxad iyo damaashaad.

Intii lagu jiray qaybinta xoolahaa odxiyada dadkaa masaakiinta ah waxaa madashii ay munaasabadaa khayriga ahi ka dhacaysay soo xaadiray Culumada Magaalada Jinacsani, Cuqaasha  Jinacsani, Maamulka Magaalada Jinacsani kuwaasoo dhamaantoodba ka hadlay goobta iyagoo dareenkooda cabirayay ayay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin arinkan looguna baahan yahay in lasii laba jibaaro iyagoo u duceeyay xubnaha ururka iyo shaqsi walba oo ka qayb qaatay dhanka kale shacabka iyo jaaliyadaha dibada ee deegaanka u dhashay ugu baaqay in ay ku daydaan taageero dhan walba ahna siiyaan ururka Marar Foundation, Ururkan oo waxyaabo la taaban karo ka qabtay deegaanka. Dhanka kale waxaa iyana meesha ka hadlay dadkii masaakiinta ahaa kuwasoo iyana dhankooda ugu duceeyay walaalihii soo gaadhsiiyay deeqdan ee kusoo beegay isla maalintan caalamka islaamka laga faraxsan yahay.

Mashruucan qoysaska masaakiinta ah lagaga farxinayay ayaa daba socday Mashruucyadii hore ee kala ahaa Afuri walaalkaa oo ahaa mashruuc dadka masaakiinta raashin ay ku afuraan loogu qaybiyay iyo Ka farxi Agoon oo ahaa mashruuc 160 caruur agoomo ah loogu qaybiyay dhar ay ku ciidaan si ay ula sinaadaaan caruurahaa ka dhashay reeraha ladan ee looga bartay sanadadii hore in ay iyaga oo qudha ciidaan halka caruurta agoonta ah iyo kuwa danyarta ahi aysan ciidi jirin halka qaarkood calool xumo iyo murugo guryaha hoosta iskaga soo xiri jireen.

Hadaba sanadkan ayaa wuxuu reer Jinacsani u ahaa sanad barwaaqo ah misena taariikhda u galay oo sanadadii horena wax badan kaga duwanaa. Mar labaad waxay shacab waynaha reer jinacsani ka codsadeen ururka marar in wax qabadkan oo kale ee uu ururku deegaanka ka wado in uu sii laba jibaaro.

Dhanka kale afhayeenka ururka Marar Foundation Mudane Abdiasis Adan Yussuf oo lasoo xidhiidhay shabakadan Mararnews isagoo ku hadlayay magaca ururka iyo magaca gudoomiyaha ururka Mudane Daaha Ahmed Ibrahim  ayaa wuxuu noo cadeeyay in uu ururku ku talo jiro sidii uu deegaanka oo dhan ugu baahin lahaa wax qabadka meel walbana loo gaadhsiin lahaa, isagoo ugu baaqay walaalaha khayrka jecel in ay howlahan uu ururku wado qayb libaax leh ka qaataan.

Halkan Hoose ka daawo Sawirada, Dhawaana waxaan idin soo gudbin doonaa maqaal iyo muuqaal ku saabsan mashruucan khayriga ah.

Abdikeni Mohammud
Stockholm, Sweden.

14388801_10154011905292877_1033944831_n 14287756_10153993802197877_498742081_n 14384108_10154011904767877_66944173_n 14384116_10154011732892877_1552716840_n 14384163_10154011902157877_1770184370_n 14384244_10154011904367877_107769329_n 14388801_10154011899672877_359772240_n 14388801_10154011905292877_1033944831_n 14388826_10154011732642877_10803830_n 14388937_10154011902527877_1922895663_n 14397203_10154011733232877_300832783_n 14397382_10154011732237877_917483521_n 14397440_10154011900927877_985275581_n 14397889_10154011900892877_276026696_n 14397939_10154011902007877_2090956005_n 14407670_10154011897317877_1126129271_n 14407768_10154011901387877_207560623_n 14408831_10154011899837877_626371534_n 14408950_10154011904072877_595935291_n 14409233_10154011905177877_113161883_n 14429089_10154011732657877_285023043_n 14429496_10154011897947877_564156293_n 14429539_10154011904882877_1838139916_n

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *