Hotelkii ugu Horeeyay ee 5 Star ah magaciisuna yahay City Crown Hotel ayaa maanta laga Furay Caasimada DDSI ee Jigjiga.

Jigjiga, Hotelkii u horeeyay oo 5 Star ah.

Jigjiga, Hotelkii u horeeyay oo 5 Star ah.

Mararnews ( Isniin): Waxaa Maanta laga furay magaalada Jigjiga ee caasimada DDSI Hotel-kii ugu horeeyay oo casri ah kasoo u dhisan habka caalamiga ah ee 5 Star-ka , Hotelkan cusub oo uu magaciisau yahay City Crown Hotel waxaa ku baxday lacag dhan 55 Milyan oo Birr,

11401363_685125311617288_1635465957094603933_n

 

Xaflad qurux badan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa xadhiga lagaga jaray  Hotelkan Caalamiga ah ee 5 Star-ka ah,

City Crown Hotel

City Crown Hotel

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafladii furitaanka waxaa ka soo qayb galay Madaxda DDSI, Qurbajoog, Culumo, Ganacsato iyo Marti sharaf kale, iyadoo hotelkan uu noqonayo hotelkii ugu horeeyay oo  casri ah ee laga hirgaliyo caasimada DDSI ee Jigjiga.

cigal fur

M/wayne ku xigeenka DDSI Mudane C/xakin Cigaal oo Xadhiga ka Jaraya City Crown Hotel.

Ugu Horayn Hotelkan casriga ah waxaa manta xadhiga ka jaray Madaxwayne ku xigeen DDSI ahna  Wasiirka xafiiska Horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha Mudane Cabdixakiin Cigaal  isagoo halka ka jeediyay hadal  dhiiri galin iyo mahadnaq iskugu jira, Hadaladii Madaxwayne ku xigeenkana waxaa ka mid ahayd,

Mudane C/Xakiin Cigaal oo ka Hadlaya Xafladii Furitaanka City Crown Hotel.

Mudane C/Xakiin Cigaal oo ka Hadlaya Xafladii Furitaanka City Crown Hotel.

 

 

Hotelkan aan aragno kuma iman shaqo fudud, laga bilaabo qorshihiisa, maalkiisa, fikirka la galiyay sidaan aaminsahay waxaa loo soo maray howl dheer, shaqo badan ayaa loo soo galay, waxaanan odhan karnaa manta hotelkan aan joogno ee aan furayno, wuxuu ka mid yahay shaqooyinkii badnaa ee dibada laga helay ee dadkii wadankan u dhashay lagu soo wacyi galinayay natiijadii ka dhalatay ayay ka mid tahay oo aan saakay u taaganahay taas ayay muujinaysa in ay natiijo dhab ahi ka dhalatay socdaalkii badnaa  ay xukumada ku tagtay qurba, sidoo kale waxaan ku boorinaya qurba joogtu in ay ku daydaan oo ay wadanka maalgashadaan.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Xafladan Wasiirka Xafiiska Maalgalinta DDSI Mudane Cabdinasir oo isna ka mid ahaa Masuuliyiinta kasoo qayb gashay xafladan furitaanka City Crown hotel ayaa madasha ka hadlay isagoo u mahadnaqay Xukumada iyo Qurbajoogta deegaanka ee hirgalisay Hotelkan casriga ah,
10440718_685125368283949_7852133001733651443_n

 

 

Waxaa isna ka hadlay Maayarka Magaalada jigjiga Cabdirisaaq Saxane oo sheegay in uu hotelkan soo dhawaynayo qaybna ka noqonayo bilicda magaalada isagoo u mahadnaqay Mulkiilayaasha Hotelkan, Maayarka Magaalada jigjiga Mudane C/risaaq Saxane oo hadalka ku dheeraaday ayaa wuxuu sheegay in City Crown Hotel buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ee uu yeesho Hotel 5 Star ah, Maayarka Magaalada jigjiga wuxuu sidoo kale balanqaaday in uu Shilimaad mudan yahay isla markaana uu gudoonsiin doono Mulkiilaha Hotelka.

11377283_409080795947019_4259816711638105155_n

Madaxdii Madashada ka hadashay waxaa kaloo ka mid ahaa Wasiirka Xafiiska Arimaha Haweenka, Caruurta iyo Dhalinyarada Marwo Rahma Suldaan Maxamud Haybe iyo Wasiirka Xafiiska Qurbajoogta Mudane CabdiBari.

Isku soo wada duuboo hadalada masuuliyiintu waxay ka sinayeen in u Hotelkani yahay mid ku dayasho mudan kaasoo si balaadhan bilicda iyo horumarka caasimada DDSI uga qayb qaadanayo.

 

City Crown Hotel

City Crown Hotel

Munaasabada furitaanka xaflada City Crown Hotel masuuliyiintii iyo marti sharaftii kale ee ka qayb gashayba waxay soo dhaweeyeen Hotelkan cusub ee casriga ah iyagoo si isku mid ah u soo dhaweeyay dhanka kalana ugu baaqay qurbajoogta deegaanku in ay ku daydaan deegaankoodana maalgashadaan.

11393131_409080815947017_3183679980526978979_n

Dhanka kale Xukumada DDSI ayaa u aqoonsatay Hotelkan in uu yahay Hotelkii u horeeyay ee noociisan oo kale ah isla markaana laga hir galiyay DDSI,

Geesta kale Mulkiilaha Hotelkan oo goobta ka hadlay ayaa u mahadnaqay xukumada iyo marti sharaftii ka soo qayb gashay madasha xaflada furitaanka ee City Crown Hotel iyagoo faahfaahiyay adeegayada ay bixin doonan iyo in shaqo abuur ya hotel kani ka heli doonaan ilaa iyo 55 qof oo muwaadiniinta deegaanka u dhashay ah.

City Crown Hotel

City Crown Hotel

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wajahada City Crown Hotel

Wajahada City Crown Hotel

Hotelkan casriga ah ayaa wuxuu ka kooban yahay ama bixin doonaa adeegyada ay bixiyaan Hotelada caalamiga ah, siduu sheegay Malkiilaha Hotelkan Mudane Mohammud Haji Abdirahman hotelku wuxuu ka kooban yahay,

◆Qayb Jiif ah,

◆Laba Restaurant,

◆Sadex Cafeteria,

◆Beauty Salonka Dumarka,

◆Timajare Ragga ah,

◆Gym Casri ah ( Qayb Jimicsi oo aad u qalabaysan),

◆Hool wayn oo Aroosyada ah,

◆Sadex Hool oo Shirarka ah.

City Crown Hotel

City Crown Hotel

1486826_685125218283964_2328328474433634923_n

City Crown Hotel

10440718_685125368283949_7852133001733651443_n

City Crown Hotel

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

10464271_685125338283952_3347565358481775344_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

City Crown Hotel

City Crown Hotel

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

11401363_685125311617288_1635465957094603933_n

City Crown Hotel

 

 

 

 

 

 

 

 

Jigjiga, Hotelkii u horeeyay oo 5 Star ah.

City Crown Hotel

Marwo Z Haji
Mararnews,
jigjiga.

5 comments on “Hotelkii ugu Horeeyay ee 5 Star ah magaciisuna yahay City Crown Hotel ayaa maanta laga Furay Caasimada DDSI ee Jigjiga.
  1. Masha allah, Waa Horumar lagaadhay, Waxaan aad ugu faraxsanahay In hotel bilicdiisu ama adeegyadiisu heer sare yihiin laga hirgaliyo magalada tan ee Jigjiga. In ay yeelato Caasimada DDSI 5 Star hotel, Waa Tilmaamaha lagu garan karo Kartida ay leeyihiin Muwaadiniinta q.joogta ah ee u dhalatay DDSI iyo Kor u qaadida Horumarka Kaalintooda inay kasoo baxaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *