Hargaysa Ururka Marar oo Deeq Raashin Zakadul Fidri ah Gaadhsiiyay Qoysas Masaakiin ah

IMG-20160707-WA015729 kii Ramadan oo ku beegnayd 04 July 2016 Ururka Samafalka ah ee Marar Foundation wuxuu deeq raashin Zakadul Fidri ah gaadhsiiyay qoysas masaakiin ah oo aad u tabaalaysnaa kuwaas oo ka koobnaa 29 qoys kuna nool xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland.

Qoysaskan oo ka koobnaa dad da’a ah iyo kuwa meel dhaxaad ah nolol ahaana aad u liitay ayaa aad ugu farxay deeqdan uu ururka marar soo gaadhsiiyay iyagoo duco iyo mahadnaq usoo jeediyay ururka.

mashruucan ayaa daba socday mashruuc uu ururka Marar Foundation bishii Ramadan ee sanadkan 2016 kii ka fulinayay geeska Afrika gaar ahaan Ethiopia iyo Somaliland.

IMG-20160707-WA0151IMG-20160707-WA0154
IMG-20160707-WA0157

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *