Hadafka iyo Ujeedooyinka Marar Foundation.

Calaamada Ururka Marar Foundation.

Calaamada Ururka Marar Foundation.

Qeexid Marar Foundation

Waa urur samo fal ah oo loo aas aasay in uu hormariyo adeegyada aas aasiga ah sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo hormurka deegaankaba,

Ujeedooyinka ugu muhiimsan ee loo aas aasay hay’adan waa kobcinta maskaxda dhalinyarada, u gar gaarida dadka masaakiinta, caawinta agoomaha iyo ka shaqaynta dacwada,

Waxaa lagu aasaasay qurbaha  6 July 2013  waxaana aas aasay koox dhalinyaro ah oo ku nool daafaha caalamka .

Hirgalinta Ururkan Samafalka ah wuxuu ku xidhan yahay Anaga iyo idinka hadaad naga caawisan in uu hirgalo waxaan dajinay Qorshayaal aan ugu tala galnay  in aan wax ku qabano anagoo ukala qaybinay mashaariic aanu mustaqbalka dhow qaban doono iyo Kuwa mustaqbalka fog aanu qaban doono.

Ujeedooyinka Marar Foundation

  1. U gar gaarida iyo gacansiinta dadka masaakiinta ah, Afurinta Dadkeena kooda liita ee danyarta ah iyo ciidsiinta Agoomaha.
  2. Mideynta iyo Isku keenista dadka deegaanada Marar ku aftirsada.
  3. Dhiiri kalinta iyo Kobcinta maskaxda dhalinyarada,4. Horumarinta Bulshada Dhanka qodista Beeraha iyo qaybaha kala duwan ee adeega bulshada sida qodista ceelasha.
  4. Siminaaro iyo wacyi galin ku saabsan Faaiida waxbarashada,6. Barnaamijyo aanu dhalinyarada kaga wacyi galin doono aafada iyo dhibaatada Tahriibta.
  5. Qabashada Tartamo aan u qabanayno ardayda deeganadeena ku nool haday noqon lahayd Tartan waxbarasho, Tartan Diini ah ama Tartamada Ciyaaraha.
  6. Kafaalo qaadida agoonta iyo caruurta danyarta ah iyo waxbaridooda9. Qabashada Siminaaro aan dadka waa wayn ugu tala galnay kuwaasoo aan hadba mowduuc muhiima kala hadli doono bulshada.

 

 

Himilooyinka  Mustaqbalka  Fog

  1. Dhisa Libraries ama Maktabado casri ah oo tayaysan.
  2.  Furida Iskuulo Sharci ah iyo Jaamacado tayo saraysa leh.
  3. Dhisida Dhakhtaro casri ah iyo Horumarinta adeega caafimaadka qaybhiisa kala duwan
  4. Cidhibtirka Jahliga gaar ahaan xagga wax qoridda iyo wax akhriska.
  5. Ka qayb qaadashada horumarka guud sida wadooyinka iyo bilicda deegaanka.
  6. Ururku wuxuu Siminaaro iyo Wacyi galin isdaba jooga u qaban doona odayaasha, ganacsatada, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada Marar.

Siduu ku Hirgali Karaa Ururkani

 Ururkan cida la rabo in ay hir galiso shaqsi walba oo muslim ah gaar ahaan dadka ku aftirsada goobaha uu ka howl galayo, in uu hirgalana waxa ka horaysa in dhaqaale la helo, dhaqaalahaas oo ah dhaqaale la rabo inaga dhexdeena in aan iska ururino,

Qaabka iyo siyaabaha aynu dhaqaalaha u ururinayno waxay ku qoran yihiin xeer hooseedka ururka, shaqsi walba oo jecelna in uu horumarka dadkiisa ka qayb qaato oo uu sadaqo la baxo aadbaanu usoo dhawaynaynaa,

 Xaqiiqdu  waxay tahay in lacagta Bisha lagaa rabo in ay tahay mid aad u yar, dhamaanteena waxa laga yaabaa maalintii in aan koob shaah ah ku cabno 10 dollar iyo wax ka badanba, hadaba walaal 10 kaa Dollar ayuu ku xidhan yahay hir galinta Ururkan ee ka qayb qaado naguna caawi sidii uu u hir gali lahaa.

Balan Qaad, Waxaan ku Balan Qaadaynaa

  1. Amaano gudasho iyo dhawridda saqada aad la baxday.
  2. Balan oofin iyo run sheegid, taasoo ah ta kaliya ee lagu gaarayo guul aduunyo iyo mid Aakhiro.
  3.  Sadaqada aad bixisay oo aan sidii loogu talagalay dadka u gaadhsiino adigoo arki doono muuqal cadaynaya halka ay ku baxday sadaqadii aad dhiibatay.

Wakiilada Ururka:

  • Ikran Ahmed Imaan
    Phone: +195 268 836 39 ( Usa)
  • Hana Hamud
    phone :+161 748 095 22  ( Usa).
  • Abdirahman Musse Yussuf
    Phone: +614 978 271 28 (Australia).
  • Abdikeni Mohammud
    Phone:+467 009 974 76 ( Europe).
  • Ahmed Abdi Musse
    Phone: 252 634 4048 26 ( Somaliland)

Wabilaahi Towfiiq

 

546922_227954537356892_156337743_n

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *