Guddoomiyaha Xisbiga wadani Mudane Ciro ayaa dhammbaal hambalyo ah u diray guud ahaan shacabka reer Somaliland munaasibadda Xuska 18 May

Gudoomiyaha Xisbiga wadaniBoorama-(Mararnews)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga wadani Mudane Ciro ayaa dhammbaal hambalyo ah u diray guud ahaan shacabka reer Somaliland munaasibadda Xuska 18 May awgeed isagoo ku sugan xarunta gobolka Adwal ee Borama.

Guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, oo ku sugan magaalada Booramada ayaa waxaa uu hambalyo u dirayaa guud ahaanba shacbiga reer Somaliland,ciidamad kala duwan ee dalka iyo taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI meel kasta oo ay ka joogaan dunida dacaladeeda munaasabada 18ka May, ee la soo noqoashada xorriyadii inaga luntay 1960. Waxaana uu ummadda u rejaynayaa inay munaasibadan munaasibaeeda ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo.”

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaa uu Illaahay uga baryeyaa umada reer Somaliland in xuskan 18 May xuskiisa ay ku gaadhaan bash bash, barwaaqo iyo nabad qab. Isaga oo sida oo kalena Illaahay uga baryey guud ahaanba inta xanuunsanaysa in uu xanuunka ka dulqaado, intii dhimatayna uu u naxariisto oo janatul Fardawsa uu ka waraabiyo.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Ciro, oo caawa ku sugan magaalada Boorama wuuxu sidoo kale uu umadda reer Somaliland uu Illaahay uga baryeyaa ictiraaf buuxa oo ay Somaliland ka hesho beesha caalamka.

Waxaana uu guddoomiye Ciro uu leeyahay hambalyo hambalyo Alleh 18 May-ga galdabe ha idin ku gaadhsiiyo nabad, caafimaad qab, cimri dherer iyo cibaado suuban.

Sanad Wacan Oo Wanaagsan

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

WADDANI MEDIA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *