Damacii #OPDO ee 2012kii geeridii Meles Zenawi iyo Damaca hada ee 2018 iscasiladii Hailemariam.

OPDO-22012 iyo 2018 waa laba jeer oo dalku isbadal ka dhacay, labadaa jeerba waxaa banaanatay awooda ugu saraysa ee wadanka haba ku kala duwanaadaan qaabka ay ku yimaadeen is badaladani.

2012 kii waxaa banaanatay jakadii raysal wasaaraha kadib markii uu geeriyoodey raysal wasaarihii dalka ee wakhtigaa Meles Zenawi. 2018 kii waxaa sidoo kale banaanaatay jakadii raysal wasaaraha kadib sadex sano oo xidhiidh ahaa oo siyaasada wadanka iyo amniga wadanku gilgishay kadib kacdoono shacab oo xoogan kuwaa soo ku qasbay in uu raysal wasaaruhu is casilo, sababayna in uu kala qaybsamo afartii xisbi ee ku bahoobay EPRDF ee talada dalka hayay.

August 2012 ku dhawaaqistii geeridii Meles Zenawi xisbiga OPDO wuxuu u hanqal taagay in uu qabto booskii uu Meles baneeyay  iyagoo u arkayay in ay tahay jaanis ay xilkan ku qaban karaan isla markiiba waxay raysal wasaare ahaan usoo sharaxdeen #Kuma Damaqsa oo markaa ahaa Mayor-ka Addis Ababa horayna usoo noqday madaxwaynaha Oromia iyo Wasiirka gaashaandhiga Ethiopia. Rabitaankii iyo u hanqal taagii OPDO ee wakhtigaasi ma guulaysan xilkaana waxaa loo dhiibtay Hailemariam-kii hada is casilay oo raysal wasaare ku xigeen ahaa wakhtigaa.

Maanta maxaa is badalay, waan aragnaa in uu raysal wasaarihii meesha ka baxay jaanis labaadna meeshii yimid sidoo kale waanu aragnaa in OPDO u hanqal taagayso in ay markan qabato xilkan banaan hada oo waa kuwan Dr Abiy Ahmed usoo sharaxday in uu qabto xilkaa ee maku guulaysan doonaan mise qolyihii shalay keensaday Hailemariam Desalegn ( Waa sida hadalka loo dhigee) ayaa maantana keensan doono #Demeke Mekonnen Hassan raysal wasaare ku xigeenka dalka ee sida la sheegayo qudhiisu yahay musharax u sharaxan qabashada xilkan banaan.

Shaki kama taagna in is badal aad u wayni u dhaxeeyo 2012kii iyo 2018ka, 2012 kii waxaad moodaa in TPLF usii dajisanaa ama u diyaarsanaa qorshaha/nidaamka ay wadanka kusii maamuli karaan oo xilkii raysal wasaarenimo waxay u dhiibteen shaqsi ay u arkayeen in ay ku dul maamuli karaan kaasoon saamayn ku yeelan karin awooda ay dalka ku lee yihiin isla markaana aan kasoo jeedin labada qowmiyadood ee xukunka in ay qabtaan uga biqi jireen ama ay ka ilaalin jireenba waa Oromo iyo Axmaaree. Wakhtigaa waxaa kale oo ay lahaayeen awood aysan cidi ka hor imaan karin taasaana usuurto galisay in 6 sano oo kale wadanka sii maamulaan  xili uu raysal wasaare Hailemariam ku magacaabnaa in uu dalka ka arimiyo balse dhamaan la isla qirtay in TPLF si dadban wadanka u maamusho.

Dhanka kale OPDO-dii 2012 kii u hanqal taagtay in ay xilkaa qabtaan wax wayn baa iska badalay waa midee shalay waxay wateen Kuma Damaqsa maantana waxay wataan oo ay Kuma Damaqsa ku badaleen Dr Abiy Ahmed, waxaa kaloo xusid mudan mid iyo laba ma ahee siyaasiyiintii OPDO ee wakhtigaa ugu waa wayna badankoodii xisbiga laga saaray oo dhiigan cusub ee OPDO qabsaday ee ka yaabiyay TPLF iyo caalamkaba ayaa ka taqaluusay, waxaa ugu dambeeyay 14 kii xubnood ee bishii hore Janaury laga saaray xisbiga kuwaas oo ahaa siyaasiyiin ruug cadaa ahaa qaarkoodna xisbiga fulinta OPDO ku jiray, wadankana heer kilil ilaa heer federal xilil waa wayn kasoo qabtay. waxaana ka mid ahaa kuwii bishii hore xisbiga laga daaray Kuma Damaqsa ( oo soo noqday wasiirkii gaashandhiga, m/wayne Ismaamulka Oromia, Majorka Adis Ababa ), Suufiyaan Ahmed ( wasiirkii ganacsiga Ethiopia 1995 ilaa 2015 ), Muktar Kedir ( M/wayne hore Oromia iyo r/wasaare ku xigeen) Aster Mamo ( hada waa safiirada Ethiopia ufadhida canada, horayna waxay usoo noqotay wasiirad iyo r/wasaare kuxigeen ). 14 siyaasi oo ah kaadiriintii OPDO ayaa bishii hore laga saaray xisbiga iyadoo sabab looga dhigay in aysan la jaanqaadi karin siyaasada xisbigu hada ku shaqeeyo. halka dadka arimahan u duun daloolana sheegayaan in sababta xubnahaas xisbiga looga saaray ay tahay in ay gacan saar la lee yihiin oo ay wali daacad u yihiin TPLF.

Hada/Maanta TPLF waxay u tahay laba daran mid dooro oo labada shaqsi ee booskan u sharaxan waxay kasoo kala jeedaan labadii qowmiyadood ee ay xukunka ka ilaalin jireen waxaana soo gabagaboobaya wakhtigii ay sida dadban u maamuli jireen wadanka oo waxaa hubaal ah in labadan midka yimaadaba in uu noqon doono mid wadanka fur furo.

Hadaba sidii 2012 kii OPDO maku hungoobi doontaa in ay xilkan qabtaan oo sidii barigii dhacday ma dhici doontaa oo TPLF ma keeni kartaa in Demeke noqdo raysal wasaare iyagoo ku andacoonaya isagaa xaq u leh in uu booska buuxiyo maadama uu yahay raysal wasaare ku xigeen maantana nasiibkiisu ku saaciday in uu sidii Hailemariam uga faaiidaysto fursadan, hadii ay TPLF ku guulaysto arinkan Demeke ma u noqon doonaa sidii Hailemariam ?

Iskusoo wada duuboo arinku wuxuu noqon doona laba mid uun waa sida ay ku cel celinayeen maalmahan dadka odorasa ama ka hadla siyaasada Ethiopia badankooduna waxay isku raacsan yihiin hadii ay TPLF rabto in wadanku xasilo oo lasoo celiyo amnigii iyo kala dambayntii waxay markan jaanis siin doontaa OPDO in ay qabato xilkan raysal wassaraha hadiise ay TPLF rabto in wadanku qalalaaso hor leh galo waxay ka shaqayn doontaa in Demeke xilkan qabto. Dhamaana maanta gudo iyo dibadba ha noqoto shacabka Ethiopia ama beesha caalamkee waxay isku raacsan yihiin xalku iyo nabad galiyadu ku jirto in masuul Oromo ah xilkan loo dhiibo, lana qaniciyo shacabkii kacdoonkan bilaabay.  Aragnaa……

Abdikeni Mohammud
Mararnews
Stockholm,Sweden.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *