Daawo Video Ciidsiinta Caruurta Agoonta Magaalada Jinacsani

 

Waxaa ( 04 July 2016 ) 29 ramadaan lagu soo gabagabeeyay  MagaaladaJinacsani Mashruuc loogu Magac daray ka Farxi Agoon oo ay soo qabanqaabisay ururka Samafalka Marar Foundation. Mashruucaas oo ahaa mid loo qoondeeyay in agoon kasta lagu ciidsiiyo lacag gaaraysa $30, Waxaana ka faa’iidaystay mashruucan agoon gaaraysa 160 oo isugu jira Gabdho iyo wiilal.

 

Mashruucaan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa wuxuu daba socday Mashruuc lagu Afurinayay dadka masaakiinta ah oo bilowgii bisha Ramadaan ( 13 Jun 2016 ) ururka Mararka Fuliyay Magaalada Jinacsnai kaas oo uu qoysas agoon iyo masaakiin aan haysan wax ay ku afuraan gaadhsiiyay deeq raashiin ah.

Afhayeenka ururka Mararka Mudane Abdiasis Adan Yussuf oo lasoo xidhiidhay shabakadanMararnews.com ayaa wuxuu soo gaadhsiiyay warbixintan hoose:

Asc wr Sanadkan Waxay noo ahayd Sanad Sanadadii kale aad uga duwanaa waxaa inoo suurto gashay innagoo iskaashanayna dhamaanteen in aan fulino sadex mashruuc oo Aakhiro iyo Aduunba Faaiido ku leh, Sidaad horay ula socoteenba bilowgii bishii Ramadaan 13 Jun 2016waxaynu fulinay mashruuc lagu afurinayay 96 qoysaska Masaakiinta ah ee ku nool Jinacsani.

Ilaahay Fadligii ( 04 July 2016 ) 29kii Soon waxaanu fulinay oo kale laba mashruuc oo aanu ka kala fulinay magaalooyinka Jinacsani, Hargaysa iyo Jigjiga.
1. Mashruuc Ka Farxi Agoon oo Caruur gaadhaysa 160 agoon ah oo dhar ciid loogu qaybiyay magaalada Jinacsani.

2. Mashruuca Zakadul Fidri ah oo deeq raashin ah lagu Gaadhsiiyay 26 qoys oo masaakiin ah kuna nool magaalada Hargaysa.

Mar labaad iyo mar sadexaadba waxay mahadi u sugnaatay Allahii inoo suurto galiyay Barnaamijkaas intaa kadib waxaa iyana mahadmudan walaalihii raga iyo dumarka iskugu jiray ee u kacay in ay dadkooda wax taraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *