Beelwaynta Jaarso| War-Saxaafadeed ku saabsan qaab dhismeedka cadaalada ka fogaa ee loo dhisay maamulka D/Tuliguleed.

Maqaalkan waxaan daabacay 26/08/2011 oo kuu beegnayd wakhtigii la dhisay maamulkii u horeeyay degmada Tuliguleed oo wakhtigaa loo ansixiyay degmo cusub. Maanta oo ay Taarikhduna tahay 07/09/2018  ayaan dib u daabacayaa maadama la hadal hayo maamul u dhisida degmada Tuliguleed.

——————————————————————–

Beelaha Jaarso oo soo saaray war-Saxaafadeed ku saabsan qaab dhismeedka cadaalada ka fogaa ee loo dhisay maamulka D/Tuliguleed.

Date: 26/08 /2011

Shirar iyo wada tashiyo dheer oo ay yeesheen suldaanada, caaqilada, nabadoonada, aqoonyahanka, culumada iyo waxgaradka Beesha jaarso ka dib, waxay darseen, kuna lafagureen shirarkaas qaabka caddaalad darrada ku dhisan ee ay Mas’uuliyiinta Deegaanka Soomaalida u dhiseen maamulka cusub ee loo dhisay Degmada Tuli Guuleed,  taasoo u cuntami weydey, misena aynan ka helin saamigii ay xaqa u lahayd Beesha Jaarso.

Waxaa xusid mudan in ay suldaanada iyo waxgaradka beeshu ay in badan isku dayeen inay arinkan kala hadlaan Madaxwaynaha DDS mudane Cabdi Maxamud Cumar siina war galiyaan in si xaq ah lagu dhiso maamulka loo dhisayo Degmada Tuli Guuleed, taasoo uu maamulka DDS iska indha tiray dadaalka  nabadeed ee ay beeshu wadeen

Habka uu Maamulka  talada Deegaanka haya u dhisay maamulka Degmada Tuli Guuleed oo ah mid si weyn loogu duudsiyay xuquuqdii dastuuri ee beesha, halka beelo kalena loo sadburiyay iyadoon illaa hadda la garanayn waxa lagu saleeyay,  ayaa ah mid si ula kac loogu talo galay in lagu fogeeyo Beesha Jaarso .

Hadaba, waxaanu goosanay markaan aragnay sida maamulka uu madaxa ka yahay Mudane Cabdi Maxamud Cumar wax u wado, inaan beel ahaan canbaaraynayno, una soo bandhigno bulashada Dowlada Deegaanka Soomaalida  inaanan ogoleyn oo aan diidanahay maamulka cusub ee loo dhisay Degmada Tuli Guuleed ee cadaalad darada lagu dhisay.

Waxgaradka Beesha Jaarso  iyaga oo tixraacaya Dastuurka dalka u yaalla oo si cad u qeexaya Xuquuqda Bulshada Itoobiya u leedahay ismaamul illaa heer qabalee, iyada oo lagu salaynayo tirada dadka ee degaanka ku nool iyo siday u kala badan yihiin, taasoo oo lawada ogsoon yahay inay beesha Jaarso tahay beesha ugu badan deegaanka Tuli Guuled, hadaba waxaa nasiib daro ah in beesha Jaarso  si cad loola dagaalamayo,  lana duudsiiyay xuquuuqdii dastuuriga ahayd ee ay lahayd, iyadoo saas ay tahay waxaan codsanaynaa, horayna u codsan jirnay in beelaha DDS si xaqa oo siman loo siiyo xaqooda iyadoon beelna lagu xadgudbaynin , lagana tanaasulo qabyaalada qaawan iyo beel jeclaysiga  ay ku dhaqmayso Dowladu.

Anagoo  ilaalinaya Dastuurka u yaalla dalka Itoobiya iyo kan Deegaanka Soomaalidda, waxaan cadaynaynaa inaanan doonaynin in aan ka sadbursano beelaha kale ee aan walaalaha nahay, misena aan wada degno deegaanka,  waxaanse codsanaynaa in nala siiyo oo kaliya wixii aan xaqa ulahayn .

Beesha Jaarso waxay soo jeedinaysaa in wax laga badalo sida hada loo dhisay maamulka Degmada Tuli Guuled, Hadii laga badali waayana  waxay beeshu ka arinsan doontaa Arimaha maamulka uu madaxa ka yahay Mudane Cabdi Maxamud Cumar iyadoo ay beeshu ka fiirsan doonto kalana noqon doonto kalsoonidii ay u haysay Maamulkaas.

Hadaba waxaan  dowladda Federalka ka codsanaynaa inay arrintan soo farageliso sida ugu dhaqsiyaha badan, loona saxo qaladaadka iyo caddaalad darrada ay mas’uuliyiinta deegaanku  ku hayaan beesha Jaarso, hadii ay noqon lahayd heerarka kala duwan ee dhismayaasha dowlada oo aanan laga qayb galin beesha jaarso,  min heer qabalee  ilaa min heer gobol.

Hadaba dadka dowlada ayaa u dhaxaysa, dowladana masuuliyad wayn ayaa ka saaran in ay xaquuqaha dastuuriga ah sugto, hirgaliso, ilaalisana, sintana bulshada, waxaanan dowlada deegaanka soomaalida iyo dowlada Federalkaba ka codsanaynaa midaas iyo in ay xaqiijiso, cadaysana saamiga beesha Jaarso ku lee dahay heerarka kala duwan ee DDS.

Gabagabadii  baaqeenan waxaan  mar labaad  si cad ugu sheegaynaa maamulka uu madaxa ka yahay Cabdi Maxamud Cumar inay ku xadgudbeen, kuna sameeyeen qalad xaq saamiyeedkii Dastuuriga ahaa ee Beesha Jaarso ku lahayd DDS, taasoo ah mid aan looga baran Maamulka uu  madaxa u yahay  Mudane Cabdi Maxamud Cumar. Sida ugu dhakhsiyaha badana waxaan ugu baaqaynaa in uu wax uga qabto cabashadayada.

Wabillaahi Towfiiq.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *