Barlamaanka Ethiopia oo bari cod u qaadayo xukunkii deg dega ahaa

28467850_904756583018683_7402459952203799013_nBaarlamaanka Ethiopia bari wuxuu ka doodi doonaa isla markaana cod u qaadi doonaa goaankii xukunka deg deg ahaa ee ay golaha wasiiradu ku dhawaaqeen, shacabku aadbay isha ugu hayaan bari waxa kasoo bixi doono. Shacabka Oromada ee kacdoonka wada waxay xildhibaanadooda Baarlamaanka ku jira kala dooran siiyeen laba mid ah oo ah in ay diidaan go’aanka shacabkoodana garab istaagaan ama in ay ansixiyaan oo ay raacaan waxa ay ugu yeedheen Wayane oo ay ka wadaan saraakiisha TPLF ee dabada ka riixaya sida la sheegayo xaaladan deg deg ah ee wadanka lagu soo rogay.

Waxaa kaloo iyadana maalmahan baraha bulshada gaar ahaan boga Jawar iyo muuqbaahiyaha OMN lagu soo daabacayay telefoonada xildhibaanada Oromada taas oo shacabka looga codsanayay in ay wacaan xildhibaanadooda kalana hadlaan in ay diidaan go’aankaa, ( Shacabka Oromada waxay u baahan yihiin oo qudha codka xildhibaanadooda oo hadii ay diidan ma ansaxmayo saasaa lagu laalayaa),

Screenshot_20180302-010823

Waxaa sidoo kale ay qorshaynayaan kacdoon wadayaashu hadii baarlamaanka ansixiyo go’aankan mudaharaadyo waa wayn oo ka dhacaya kililada Oromada iyo Axmaarada,

Ciidamada waxaa la siiyay amar ah in ay isticmaalaan wax walba oo ay kusoo celin karaan amnigii iyo kala dambayntii.

Isku soo wada duuduuboo bari wixii kasoo baxa kulankaa barlamaanka wuxuu noqon doonaa mid taariikhda gala.

Xildhibaanada telefoonadooda laga soo dhigay waxaa ka mid ah Dr Abiy Ahmed, Xildhibaan Junaydi oo ah xildhibaanka laga doorto Jinacsani laakiin ku matala heer federal afarta degmo ee ay dadkiisu dagaan kuwaas oo kala ah Jinacsani, Gursum, Babili iyo Ajarsa Gora.

20180223_153931

 

La soco bari iyo wixii soo kordha.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *