Axkaamta iyo Waajibaadka Soonka.

Axkaamta, wajibaadka iyo fadliga bisha Ramadaan oo la soomo.

Waxaa wanaagsan oo muhiim ah marka hore inaan ogaano soonka fadliga uu leeyahay si bacdamaa aan ugu baratano faa’idadiisa qaaliga ah oo sanadkii mar na soo marta.
Xadiis ku jira saxiixul Bukhaariga iyo Muslim oo uu soo weriyay Abuu-Hurayra A.K.R (Allaha ka raali noqda’e) wuxuu yidhi: ”Camal kasta oo bani aadamku la yimaado oo camal san ah waa loo lalaabayaa, halkii wanaagna toban laab ayaa looga dhigaa ilaa toddaba boqol oo laab, Allaah kor ahaaye wuxuu yidhi: ”Soonka mooyaane, soonka anigaa iska leh, anigaana ka abaal marinaya, wuxuu qofka soomaani ka tagay hawadiisii iyo cuntadiisii aniga dartay” qofka soomani laba jeer ayuu farxaa; (marka uu afurayo iyo marka uu rabbigii la kulmayo). Urka afkiisa ayaana Alle agtiisa ka udgoon carafta Miskiga”.

Hadaba maxaa u gaar ah bisha Ramadaan?

Bisha barakaysan ee Ramadaanka waxaa u gaar ah arrimahan soo socda oo kala ah:

  • Soonka waa tiirka afaraad ee tiirarka Islaamka ruuxii beeniyana waa gaal.
  • Waxaa la soo dejiyey bisha Ramadaan Qur’aanka kariimka.
  • Waxaa sunna ah bisha Ramadaan in la tukado salaada taraawiixda.
  • Waxaa Ramadaanka dhacay dagaalkii badar ee dadka taariikhda aqriyey la socdaan wacdaradii meeshaa ka dhacday.
  • Sidoo kale bisha Ramadaan waxaa dhacay furashadii nabiga (s.c.w) loo balanqaaday oo ahayd furashadii Makkah Al-Mukarramah, dadkii reer Makkana ay Islaamka u soo galayeen si iskadaba joog.
  • Waxaa la furaa bisha Ramadaanka albaada jannada, waxaana la xidhaa albaabada naarta iyo shayaadintaba. Laakiinse shayaadiinul insi nagama maqna (dadka alle ku caasigaroobay).

Marka waxyaalaha aan kor ku soo sheegnay oo dhan waa nicmatullah uu Alle u gaar yeelay inta rumeysay si ay uga faa’idaystaan khayraadkaasi faraha badan ee bisha Ramadaan.

wakhtigee la soomayaa ramadaanka?

Waxay waajib noqonaysaa in soomo Ramadaanka marka la arko bisha Ramadaan ama ay Shacbaan ku dhammaato soddon. Waxaana waajib ah in lagu soomo aragtida hal qof oo muslim ah oo aanan wax fiqsi iyo been lagu aqoon, laakiin bilaha kale lama aqbalayo wax ka yar la qof oo Muslimiin ah oo wanaagooda la yaqaano. Lagumana afurayo wax ka yar argtida bisha ay arkaan laba qof oo Muslimiin caaddiliin ah ama in bisha soddoonkeesa buuxsamo.

Maxaa la xiriira Soonka?

Qofkasta oo Muslim ah waxaa ku waajiba inuu soomo sannad kasta bisha Ramadaan oo noqota 29-30 maalmood sida Qur’aanka iyo sunnada ku xusan. Qofkii beeniya faral ahaanta soonka, Islmaaka ayuu kaga baxayaa. Qofkii afura maalin soon isago haysan cudur daar caqli gal ah, waa danbiile weyn. Haddii la seego soomidda bisha Ramadaan cudurdaar la’aan caqli gal ah awgi, ama qofku dayaco inuu soomo waa ku faral inuu gadaal ka gudo, markii uu awoodi karo, inuu dhakhso iska gudo baana door roon.

Waa maxay waajibaadka Soonku?

Dunida aan maanta ku nool nahay wax walba waajibaad bay leeyihiin bal aan fiirino waajibaadka Ramadaanka waana kuwan:

1. Waxaa waajib ku ah qofka sooman inuu ka tago xanta iyo beenta, (xantana waxaa la yiraahdaa in aad qof walaalkaa ah ama walaashaa ah aad ka sheegto wax uu dhibsanayo ama aanu raali ka ahayn).

2.Namiimnimada oo ah warka loo kala qaado dadka dhexdiisa oo dabadeedna ay dadkii is dhexmaraan ama ay dhalato fidno iyo fasaad.

3. Lacnada (habaarka).

4. Cayda waa inuu iska ilaaliyo oo aanu afkiisa ka oran eray xun noocuu doono ha noqdee isla markaana uusa dhageysan, indhihiisa waa inuusan xaaraan ku fiirin, carrabkiisana uu ka dhowro inuu ku hadlo wax xaaraan ah, sida beenta ama hadal been ah oo la abuurto. Rasuulkii Allena isagoo ka hadlaya arrimahan soo sheegnay wuxuu yiri. (“Qofkii aan iska dayneyn, beenta iyo ku dhaqankeeda Ilaahay dan kama laha inuu qofkaasi ka tago cuntadiisa iyo cabbiddiisa”).

Maxaa Soonka buriya?

1. Cunto iyo cabid kas ah, Alle waa naxariiste ka ugu wanaagsan sidaa daraadeedna qofka hadduu hilmaamo isagoo sooman inuu wax cabo ama cuno wax dhibaato ah kuma keenayso soomkisina wuu jiraaa.

2. Galmada yacni adiggoo afadaada jaamacdo maalinnimo nooc kasta ha ahaatee, sidoo kale waa la mid ah manida (shahwada) qofka sooman soo jeed kaga timaado. Laakiinse waxba kuma jabna inuu nin la fadhiisto afadiisa, dhunkado waayo tani aalaaba ma keento shahwo laakiinse haddii uusan qofku hanan karin naftiisa inuu ka dheeraado (afadiisa) inta maalinnimada ah.

3. Irbadaha iyo faleebooyinka nafaqa sideyaasha ah.

4. haweenka haddii uu ka yimaado dhiig caado ama mid dhalmo.

5. Iska matajin kas ah, haddiise aan la iska keenin soonku kuma burayo.

6. ka bixidda diinta Islaamka (riddoobid), Allaa ka magan galne’e.

Soonka waajibka ah.

Haddii uu qofku nidar ku galo inuu soomo amaba ay tahay inuu soomo kafaaro gud ahaan dambiyo ka dhacay oo soomid loo waajibeyey, qofkaa waxaa saaran inuu soomo maalmaha cayiman ee waajibka ah inuu soomo, haddii aysan maalmahaa cayinayn, inuu dhakso iska gudo baa dhowrsanaan badan.

Soonka sunnada ah.

Soonkani waa sunne uu Nabigu (s.c.w) naf ahaantiisu soomay, Muslimiintana ku booriyey inay soomaan, inkastoo ajar weyni ku jiro, haddana waajib kuma aha inuu qofku soomo, waana kuwakan soonanka sunnada ah;

  • Cashuura- 9ka iyo 10ka bisha Muxarram dago.
  • Soomidda maalinta Carafaad, 9ka bisha xajka, haddii uusan qofku xaaji ahayn.
  • Soomidda maalmaha nayla qaadka (ayaamul bayd) 13ka 14ka 15ka bil dayaxeed kasta.
  • Lix maalmood oo laga soomo bisha Shawwaal (soon fur).
  • Soomidda isniin iyo khamiis waliba.
  • Siddeedda maalmood ee ugu horreeya bisha xajka (carafo).

 Soonka karaahiyada ah.

  • Soonka la soomo oo keliya sabtida, ama axadda, ama jumcaha.
  • Soonka sunnada ah ee ay soonto haweeney idan la’aan ninkeeda isagoo jooga.
  • soonka isku bixis maalmaha loo soomo iyadoon la afurayn, oo aan kala goa’lahayn oo loo yaqaan (Wisaal).

Soonka xaaraanta ah.

Waa wax reebban inaan soonno maalmaha soo socda

  • Maalinta ciidda Soonfur
  • Maalinta ciida Al-Adxaa
  • Maalmaha hilba waradka (waa 11ka. 12ka. 13ka ee bisha xajka) marka laga reebo qofka hadyigu waajib ku yahay ee aan heli karin ee ku soomaya xajka intuusan u laaban ehelkiisa.

Shuruudaha Soonka.

Shuruudaha uu ku ansixi karo soonku waa laba nooc:

  • Shuruudaha ansixidda oo ka dhigaya soomidda ansax.
  • Shuruudaha aasaasiga ah oo la doonayo in lahelo la’aantoodana soonku qofku waajib ku ahayn

Shuruudaha ansixidda iyo aqbalidda Soonka.

  • Inaad tahay Muslim, soomidda qofka gaalka ah ma aha ansax.
  • Inaad tahay daahir (haweenka) waa inay ka yihiin daahir caadada (xaydka) iyo (Nifaaska) dhiiga la yimaada dhalmada,
  • Inaad niyaysato habeennimada soonka maalinta xigta, niyadduna waa inaan lagu dhawaaqin, maxaalkeeduna (booskeeda) waa qalbiga. Qofka walibana gaarkii buu u niyaysan haddiina uusan qofku horay uniyaysan xittaa haddii uu markaa ka af qabsado oo uu ka joogo dhammaan waxa ka reebban qofka sooman, soonkiisu ma ansaxayo.
  • Waa inaad tahay qaan gaar; Soonka lagama rabo ilmo aan baaluqin.
  • Inaad garowsantahay faral ahaanta soonka.
  • Inaad fayowdahay oo aad caafimaad qabto; waa inaad ka maran tahay tabar darro gaarsiisan heerka ay shareecadu qofka ka cafido inuu soomo.

Qaybaha sunnada ah ee Soonka/

  • Waa sunno inaad wax cunto ama cabto oogga ka hor (yacni inaad suxuurato) walow aad qaadato dhowr xabbo oo timir ah ama dhowr kabbo oo biyo ah.
  • Waxaa sunno ah inaad dib dhigto suxuunta oo aad qaadato wax yar ka hor waaberiga.
  • Waxaa sunno ah in dhakhse loo afuro marka qorraxdu dhacdo, intaan salaadda la tukan, iyadoon lagu talax tagayn si waqtiga salaadda loo dhowro
  • waxaa sunno inaad afurka ku af billowdo timir ama biyo cad Rasuulkii Allena wuxuu yiri: (”Dadka khayr kama suulayaan inta ay afurka dedjinayaan suxuurashadana dib u dhigayaan”).

Sida aad u billaabayso oo u afurayso Soonka

Waxaa la isugu diyaariyaa soonka suxuurta oo la qaato wax yar ka hor waaberiga.

Nebigu (s.c.w) aad buu ugu dadaali jiray suxuurta oo ahmiyad gaar ah ayuu siin jirey, wuxuuna yiri: (”Suxuurta cunisteedu waa barako ee ha ka tegina kabbo biyo ahna ahaatee, sababtoo ah Ilaahay iyo Malaa’igtiisuba waxay xusaan oo u duceeyaan kuwa suxuurta”).

Rasuulku asxaabtiisa wuxuu ku dhiiri gelin jirey inay suxuurtaan, wuxuuna oran jirey: (”Suxuurta suxuurta barako ayaa ku jirtee”).

Haddaba suxuurashadu waa sunno Nebiga ka sugnaatay, waxaana kala saara soonka Muslimiinta iyo soonka Yahuudda iyo Nasaarada, Muslimiinta way suxuurtaan marka ay soomayaan, halka aysan Yahuudda iyo Nasaarada ka suxuuran. Xittaa haddii uusan qofka Muslimka ahi baahi u qabin cunto waa inuu ugu yaraan qaataa dhowr kabbo oo caano ama biyo ah.

Muxuu qofka soomani ku afurayaa?

Waxaa sunno ah inaad ku afurto Rudub (timir busur yac yacood ah) ama timirta kale, haddii aad weyfo kuwaas qofku wuxuu ku afuri karaa biyo cad, sidaas buuna yeeli jirey Nebigu s.c.w.

Anas a.k.r. wuxuu yiri: (Nabigu s.c.w. wuxuu ku afuri jirey dhowr xabbo oo timir busur ah intuusan salaadda maqrib u soo bixin, haddii uu waayana wuxuu ku afuri jirey timirta kale, haddii uu waayana wuxuu ku afuri jirey xoogaa biyo ah.) [Waxaa weriyey At-Titmidi iyo Abuu Daawuud]

Wuxuu sidoo kale Nabigu ku dhiiriyey asxaabtiisa inay isla sidaa u afuraa. Timirta guud ahaan waxaa aad looga helaa Jasiirada Carabta. biyahana sidoo kale waa wax meel walba laga helo, gunta arrintaasina waxay ahayd inaysan dadku dhib kala kulmin furidda soonkooda oo ay ku afuraan waxyaalaha guud ee la heli karo. Dhinaca kale timirtu waxay qofka u kabtaa wixii jirkiisa siin karay tamar iyo xoog. Biyuhana ma aha wax guud oo keliya ee la heli karo ee waa daahir wax daahiriya.

Biyuhu waxay nadiifiyaan jirka debedda iyo gudahaba. Markii uu qofka soomani ku afuro soonkiisa biyo qabow oo nadiif ah haraad maalin dhan ah, waxaa hubanti ah inuu dareemi doono farxad iyo raynrayn iyo abaal uu u hayo Alle kor ahaaye.

Sidaa oy tahay, ma aha inuu qofku naftiisa tahlukeeyo oo dhibaateeyo isagoo taqwo u suubanaan u jeeda ee waa inuu ku afuraa waxyaalaha kale. Waxaa jira wardiyo iyo ducooyin lala yimaado waqtiga afurka ama dabadi. Wardiga aad la iman afurka kaddib: (Dahabad- dama’u wabtallatil curuuqu wathabal ajru inshaa Allaah). Oo la macne ah (Waan oon baxay oo xididadii qoyeen oo haddii Alle idmo ajarku waa sugan yahay).

 

Ajarka weyn ee ku jira afurinta qof sooman.

Inaad siiso cunto, cabbitaan uu ku afuro qof soomman waxaa ku jira ajar weyn oo waa sunno nalagu booriyay. Waxay barako u tahay qofka wax afurinaya iyo kan la afurinayaba xittaa haddii uu ku sadaqaysto afuriyaha dhowr luqmadood ama hal timir ah ama labo, Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: (Qofkii afuriya qof sooman wuxuu leeyahay ajarkiisoo kale, iyadoon qofkii soommanaa ajarkiisa waxba laga nusqaaminayn).

Arrimo kuu oggolaanaya inaadan Soomin.

Waxaa jira arrimo kuu oggolaanaya inaadan soomin, waana sida soo socota:

  • Inaad ku jirto safar.
  • Inaad tahay bukaan.
  • Inaad ilmo siddo (xaamilo tahay).
  • Inaad ilmo nuujineysida.
  • Da’ iyo tabar darro daran inay ku heyso gaarsiisan heerka lagu rukhsadeeyo afurka.
  • Inaad mashaqo kala kulanto soonka halis la hubo gelineysa naftaada.

Xaamiladda iyo nuujisadu hadday u baqaan ilmaha ay nuujinayaan ama kan caloosha ku jira way u bannaan tahay inay afuraan, wayna qallaynayaan soonkii, waxaana ugu wanaagsan inay qalleeyaan sida ugu dhaqsi badan ee ay karaan, waxayna bixinayaan oo qallahooda raacinayaan quudin miskiin intii ay afureen (ama siin qadar dhan kiilo iyo bar oo bariis ama galley ah, ama mesego, iwm, miskiin maalintii, sidaa awgeed haddii ay afureen bishii oo dhan waxay bixinayaan jawaan bariis ah, ama wax la mid ah oo 45 kiilo ah iyagoon qalleynayana soonkii). Laakiin haddii ay naftooda u baqaan way afurayaan kaddibna waxay qallaynayaan soonka markay awoodaan sida ugu dhakhso badan, quudinna lagama rabo.

Qofka da’da ahi ee aan karin soonka wuxuu quudinayaa maalin walba oo soon ah. qof waxaa isna sidaas oo kale ah kan jirran oo qaba cudur aan laa rajo qabin ka bogashadiisa.

Xaaladda qofka u banaan  inuu soonka jebiyo,

  • Qofka waa loo oggol yahay inuu soonka jebiyo haddii jirro ku soo booddo, ama shil galo iwm. oo qofka xaalladiisu halis tahay.
  • Qofka waa loo oggol yahay inuu jebiyo soonka haddii cudur kaasi aanu khatar ahayn, hase yeeshee halis noqonayo haddii aan soonka la furin.
  • Qofka waa loo oggolyahay inuu Soonka jebiyo haddii uu la kulmo gaajo, haraad daran oo ka baqo in wadiddiisa dhib ka imaanayso.

Faa’iidooyinka soonka.

  • Faa’iidooyinka soonka waxaa kamid ah qofka inuu ka barto sabar, iyo inuu taqwo ka korarsado.
  • Waxay kaga faa’iidaysan karaan walaalaheen Muslimiinta ah ee sigaarka iyo qaadka ku ibtileysan iska daynta waxyaalaha xun, ayna ogaadaan in Alle dartiis qofkii uga taga shay xaaraam ah in Alle ugu beddelo wax ka qayr badan
  • Waxaa kaloo uu leeyahay soonku faa’iidooyin bulsheed oo ah inay dareemaan midnimo iyo inay jeclaadaan caddaaladda iyo sinnaanta
  • Waxaa kaloo soonku leeyahay faa’iidoooyin caafimaad ah sida inuu daahiriyo caloosha iyo xiidmayaasha iyo jirkaba, wuxuu ka fududeeya qofka culayska cayilka, baruurta
  • Waxaa kaloo ka mid ah faa’idooyinka soonka qofka qaniga ah wuxuu ogaanayaa qaddarka Nimcada Rabbi siiyey oo aanay haysan qaar badan oo fuqaro ah.

WAXAA QORAY: cabka50@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *