Ururka Marar oo M/Jinacsani dad agoon iyo masaakiin iskugu jira raashiin afurin ah ugu qaybiyay

Agoon iyo dad masaakiin ah oo deeq la gaadhsiiyay.

Agoon iyo dad masaakiin ah oo deeq la                                gaadhsiiyay.

Ururka Marar Foundation ayaa 96 qoysas iskugu jira agoon iyo kuwa danyara oo masaakiin ah ugu qaybisay raashin afurin ah magaalada Jinacsani. 

Qaar ka mid ah qoysaskii raashinka afurinta ah loo qeybiyay  ee ku dhaqan degmada Jinacsani ayaa ka mahad celiyay raashinka ay uu qaybisay Hay’ada Marar Foundation, iyagoo xusay inay ku soo aaday xilli ay u baahnaayeen wayna u Mahad celiyeen ururka iyo walaalihii sadaqada lasoo baxay.

Mas’uuliyiinta degmada Jinacsani, Culumada magaalada Jinacsani, Shacabka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada jinacsani  ayaa sheegay  inay tahay mid ay soo dhaweynayaan oo ku dayasho iyo garab istaag mudan, iyagoo jaaliyadaha u dhashay degmada Jinacsani iyo deegaanka qaybihiisa kale duwan ka dalbaday in ay garab istaagaan ururka Marar Foundation si ay kaalmo sidaan oo kale ah ugu fidiyaan qoysaska danyar ta ah ee ku sugan guud ahaan deegaanka.

Dhanka kale  Ururka Marar Foundation ayaa horay ugu balan qaaday inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan in raashin  afurin ah gaadhsiin doonto dadka danyarta ah ee ku sugan Jinacsani iyagoo intaa raaciyay sanadka danbe in ay gaadhsiin doonaan deegaanka intiisa kale.

Dhamaan deegaanka  waxaa ku dhaqan kumanaan qoys ah oo aan waxba haysan,

13406752_10153768757342877_5559055944702816849_n 13407154_10153768756727877_6722544422876792540_n 13432307_10153768756827877_7524249015747453643_n 13435340_10153768756442877_8846308827318704411_n 13442251_10153768757172877_8222763313305396524_n 13442375_10153768757247877_9200667587423939287_n 13442384_10153768757432877_3382256334559050412_n 13445540_10153768756647877_5366348181467167062_n

One comment on “Ururka Marar oo M/Jinacsani dad agoon iyo masaakiin iskugu jira raashiin afurin ah ugu qaybiyay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *